Sunday, July 13, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Waa in Xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir….”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku baaqay in xilka laga qaado taliyaha ciidamada Booliska G/Baaadir Saadaq Cumar xasan (John).

Qoraal uu soo diray ayuu ku sheegay dilkii saaka loo geystay wiil Bajaajle oo ciidanka Booliska toogteen isaga iyo wiil kale oo rakaabkiisa uu yahay dhaqan ku cusub ciidamada Booliska oo ay mas’uuliyadiisa qaadayaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Hab-dhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir wuxuuna la socdaa taliska cusub. Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyadda, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen inuusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee BooliskaFederaalka…” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur oo si xal loogu helo dhacdooyinkan madaxda dowlada kula taliyey qodobadda soo socda:

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo. 
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka. 
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo. 
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON