Tuesday, July 1, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Waa sharci darro iyo Dastuur jebin in Ra’iisal wasaarihii loo diido xil wareejin..”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka uu xilka kula wareegay Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xilka kala wareegay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Farriin uu baraha bulshada marsiiyey C/raxmaan C/shakuur ayuu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu caadeystay ku tumashada Dastuurka iyo jebinta sharciga, wuxuuna sidoo kale Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre isna ku tilmaamay nin shirko kula ahaa Farmaajo sharci jebinta, kana dhaxlay waxa maanta ku dhacay.

“Ra’iisal wasaarihii xilka laga tuuray inuu dalbado xil wareejin loona diido waa mid sharciga iyo dastuurka lagu jebiyey, ayna marqaati ka yihiin hay’adihii kale ee Federaalka sida Baarlamaanka iyo maxkamadda sare oo ka alalaasayaan, waxaase wax lagu cibro qaato ah in Ra’iisal wasaaraha xilka laga tuuray uu qeyb ka ahaa sharci jebnta iyo dastuur ku timashadaasi, kuna shaqeeyay siyaasad ah inay isaga iyo madaxweynaha yihiin laba qof oo shirko ah” ayu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu kaloo uu sheegay in su’aalihii uu ka jawaabi waayey Madaxweyne Farmaajo xalay ay caddeyn u tahay nooca uu yahay qofka xilka u sareeya dalka loo doortay oo saddex sano iyo bar dhuuntay, lagana waayey inuu dadka hor yimaado oo la hadlo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON