Tuesday, October 20, 2020
More

    Mareykanka oo Deyn dhan Hal Bilyan oo Doolar ka cafiyey Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha cusub oo..

    Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka cafineyso lacagtii deynta ahayd ee ay ku lahayd oo gaareysa Hal Bilyan oo Dollar.

    Xaflad ay labada dowladood ku kala saxiixdeen Heshiiska Deyntan lag cafinayo aya ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka lagu sheegay inay arrinan ka dambeysay markii Soomaaliya horumar ka gaartay barnaamijka deyn cafinta ayna tiigsatay wejiga koowaad ee deynta  “Decision Point,” through the Heavily Indebted Poor Countries Initiative”. Bishii Maarso ee sanadkan 2020.

    Ad

    Deynta Dowlad Mareykanka ka cafineyso Soomaaliya ayaa qeyb ka ah deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka lagu magacaabo Paris Club. Saxiixa waxaa gobjooge ka ahaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee maanta xilka la wareegay Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.

    Waxaa heshiiska Soomaaliya u saxixay sii-hayaha wasiirka maaliyadda, halka uu Mareykanka u saxiixay Danjire Yamamoto. Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in ay la hadleen dalal badan oo Paris club ah isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in deynta la wada cafiyo. Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo goobta ayaa Mareykanka uga mahadceliyey Deynta ay ka cafiyeen Soomaaliya.

    Arrintan aya qeyb ka ah waxqabadkii Xukuumadii la riday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrimaha ay ku guuleystay ay ka mid ahayd Barnaamijka deyn cafinta.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,047FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,047FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    Ciladihii Xil wareejin la’aanta Kheyre oo kusoo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble (Dhagax-dhig yaab leh..!)

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee aan weli soo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta 15-ka Oktoobar 2020 la shaaciyey inuu dhagax...

    Laba ka mida Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiran oo ku biiray Doorashada Hirshabeelle ee Jowhar

    Iyadoo magaalada Jowhar uu ka socdo ololaha doorashada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa maanta magaaladaasi gaaray mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan.

    Saraakiil iyo Ciidamo lagu laayey Weerar Alshabaab ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Hoose (Faahfaahin)

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka degaanka Buulallow ee degmada Afgooye,...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!