Saturday, June 28, 2025

C/raxmaan Ibbi oo waayey Kursigii uu 21 sano ku fadhiyey iyo Hambalyo hordhac ah oo uu diray

Xildhibaan C/raxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi) ayaa waayey kursiga xildhibaan ee beeshiisa oo uu ku fadhiyey mnuddo 21 sano ah, kadib markii madaxweynaha K/Galbeed u xiray musharax cusub.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan Ibbi ayuu hambalyo hordhac ah ugu diray ninka bedeli doona ee kursiga la siiyey, wuxuuna sheegay inuu dadka kursiga leh ka dalbanayo inay taageeraan xildhibaanka soo socda.

“Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aniga iyo wiilkeyga walaalkey Xil. Jaamac Taqal Cabbaas aan isu hanbalyeynay masuuliyadana waa meerto waxaana bixiya Allah Awooda Sare leh waxaana leenahay HANBALYO KUN IYO KOW JEER Allah swt waxaan uga baryeynaa in uu ku asturo xilka kuna anfaco dadka, diinta iyo dalka” ayuu yiri Ibbi.

C/raxmaan Ibbi oo tan iyo dowladii Carte ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka ayaa si la yeeb leh warbaahinta uga difaaci jiray Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/casiis Laftagareen oo dhaafsiiyey kursigii uu dadaalka ugu jiray inuu kusoo laabnto.

“Waxaan ka codsanayaa gaar ahaan dadka ku abtirsada Hop#230 in ay la shaqeeyaan la walwaalaan masuuliyada Walaalkeen asna garasho fog iyo mid dhowba u yeesho dalkiisa iyo deegaankiisa. Waxaan xilkan idiin soo hayey muddo 21 sano ah taariikhda ayaa xusayso waxaan ku qabtay iyo waxa iiga dhex halaabay Illaah un baa kaamil ah asna sidoo kale ayuu idiin kugu shaqeyn Illaah idinkii anagana si hagar la’aan ah waa in aan u garab istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan hore C/raxmaan Ibbi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON