Sunday, July 13, 2025

C/raxman C/shakur oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxda Maamul Goboleedyada ee taageersan Farmaajo

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay madaxda maamul Goboleedyada taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu ku eedeeyay inaysan siyaasadda ugu jirin mowqif iyo qadiyad, balse ay ka muufeystaan, isagoo si gaara hadalkaasi ugu weerarray madaxda kasoo beeshiisa ee madaxweynayaasha ka ah maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

“Siyaasada ragna aragti iyo qadiyad dad iyo deegaan lagu metelo ayey ugu jiraan, dadna muufaysi iyo maalin joog. Kala reebtaduna waa taas.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayey waxa ka dhacay shirarkii Afisyoone ku dhex maray madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Qoraal uu soo dhigay, markii uu shalay horumar la’aan ku dhammaaday shirkii Afisyoone ayuu ku iftiimiyey sida madaxda maamul Goboleedyada ugu doodeen Farmaajo, isagoo yiri: “Farmaajo isagoo aan afka kala qaadin ayaa rag ka soo horeeya u doodayaan, iyagoo leh:

– 1- Looma baahna in laga hadlo muddo xileedka dhamaaday ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha
2- Maxaa looga baahan yahay in looga hadlo weerarkii habeenkii iyo subixii 19 Febraayo dhacay.
3- Looma baahna in Midowga Murashaxiinta iyo Wakiilada Somaliland doodda ay qabaan laga dhagaysto
4- Looma baahna in damaanad loo helo fulinta heshiiska”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON