Tuesday, June 24, 2025

C/raxman C/shakur: “Waxaa shaki dhaliyey in wada-shaqeyn ka dhaxeyso Dowlada & Alshabaab?!”

Hoggaaminaya xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay lahayn qorshe cad oo ay ku wajahdo caddowga Alshabaab ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, isla markaana lacago canshuur ah ka qaada dekadda Muqdisho iyo ganacsatada caasimadda.

“Al-shabaab waxay hadda marayaan in Tuulada Mubaarak feyl looga furo ganacsatada, lana siiyo lambar diiwaangelin ah, waa arrin aad looga naxo… waxay marayaan inay qaadaan canshuurta gudaha, sida xoolaha iyo wax soo saarka la dhoofiyo, waxayna awood u yeesheen in qandaraas kasta oo la galo ay saartaan 5% ka qaataan.. Ma jirto Nootaayo magaalada ku taalla oo kala wareejin karta dhul iyadoo Alshabaab Canshuur laga siin.. waxay baabuurta aada Gobollada ku guuleysteen inay la leexiyaan wadooyinka ay joogaan ciidamada dowladda.. Waxay kaloo 30% ka qaataan hay’adaha NGO-yada…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo warbixintan naxdinta leh ka jeediyey shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu soo qaatay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo dhaawac kasoo gaaray uu u geeriyooday Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Yariisow, taasoo caddeyn u ah in meeshii ugu danbeysay ay beegsadeen Alshabaab.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda inay ku mashquulsan yihiin kala qeybinta Baarlamaanka iyo xaflado dhigis, taasoo aan lagu wajihi karin caddowga Alshabaab oo loo hoosaasinayo dadka, waxqabadna aanu jirin.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON