Sunday, July 6, 2025

C/raxman C/shakuur oo u dooday Xasan Cali Kheyre: “Madaxweynaha kuma kalsoona miyaa Ra’iisal wasaraha..?” [Dhageyso]

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame Villa Soomaaliya ayaa dood ka keenay qaabka loo qabanqaabiyey kulankii dhowaan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo ka hadlayey kulan lagu qabtay dalka Jarmalka ayuu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir in arrimaha la isku hayo ay quseeyaan Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre, isla markaana aanu siyaasad shaqo ku lahayn Taliyaha Nabadsugidda, taasoo muujineysa in Madaxweynaha wax waliba isaga uu rabo inay hoos yimaadaan,kuna fashilmay degaanada uu kasoo jeedo ee Jubbaland & Galmudug; sida uu yiri.

“Waxaan filaayey labada madaxweyne hore iyo dadka la mida ee degaanka Muqdisho jooga marka lala hadlayo in cidda xaajooneysa oo la hadleysa ay tahay Ra’iisal wasaaraha.. laakiin maaha waxaa la leeyahay taliyaha nabadsugidda… taliyaha Nabadsugidda shaqo nabadsugid ayaan ku ognahay, shaqo siyaasadeed kuma ogin.. Madaxweynahaa ku kalsoon… oo madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha kuma kalsoona miyaa…?? hadhowna waxaa la leyahay mid ayaan nahay… waxa la qarinaaayo in bannaanka loo soo saaro ayaan u baahanahay…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u dhaliilay Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasadda uu kula dhaqmayo Ra’iisal wasaaraha.

C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u dhaliila madaxda dowladda Somalia ayaa markii ugu horeysay u dooday kaalinta Ra’iisal wasaare Kheyre, wuxuuna xisbigiisa hore u diiday inuu ka qeyb galo kulankii uu madaxweynaha Farmaajo ugu yeeray Xisbiyadasida KMG ah loo diiwaangeliyey.

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON