Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa jawaab ka bixiyey bannaanbaxa ay joojisay xukuumadda, kuna tilmaantay sharci darro, sida uu shaaciyey wasiirka Amniga xukuumadda xilka sii heysa Xassan Xundubey Jimcaale.
“Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.
Wuxuu sheegay inay Xundubeey saxiibo ahaayeen muddo 29 sano ah, sidoo kalena ay Xundubey saaxiibo ahaayeen muddo dheer Madaxweyne Sheekh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashaxiinta). ” Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u hago, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay” ayuu qoraalkiia ku yiri C/raxmaan Odowaa si toos ah ula hadlay Wasiir Xundubey.
Wuxuu u soo jeediyey inuu damiirkiisa la tashado, isla amrkaana isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday aanu midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay diidi karin. Xilldhibaan ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay”Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay ciidamada Booliska iyo Nabadsugiddu dhaqan galiyaan dhibka ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xundubeey. Waxaana xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn mid u cuntanta”.
