Wednesday, June 25, 2025

C/risaaq Ina Calool-Geel: Laba jeer ayaa toogasho loogu xukumay Shabaabnimo, haddana waana la sii daayey..!

Waa ganacsade iyo qurbe jooge ka yimid Mareykanka, wuxuuna Mareykanku ku sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha Alshabaab, waxaana laba jeer maxkamada ku taalla Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo labadii jeerba la sii daayey.

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo ku magac dheer (Ina Calool Geel) waxaa markii labaad 11-kii bishan November ay Maxkamadda ciidamada ee maamulka Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo la sheegay in lagu helay inuu qeyb ka ahaa falal argagixiso oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halka gurigiisana laga helay waxyaabaha qarxa.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar labaad amrey in la sii daayo, taasoo sabab looga dhigay, sida wararku sheegayaan cabsi ku saabsan in dagaallo ka dhacaan gobolka Mudug haddii lagu fuliyo xukunka lagu ridey ee dilka ah, taasoo keentay in lagu wareejiyo saraakiil ka socota maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in Muqdisho la geeyay.

Ninkan wuxuu kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho hore loogu xukumay markii ay qabteen ciidamada Puntland, waxaana isagoo dil suge  ah xabsiga kasii daayey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas markii uu qabtay xukunka Puntland kadib sanadkii 2015.

Iyadoo ay taasi hore u jirtay ayaa mar labaad waxaa haddana la soo qabtey sanadkii 2017, kadib markii magaalada Gaalkcayo ay howlgal ka sameyeen ciidamada Danab ee dowladda Federaalka iyo kuwa PSF ee Puntland.

Arrintan ayaa si cad u muujineysa sida arrimaha qabyaaladeed uga weyn yihiin cadaaladda ka jirta maamullada iyo hay’adaha cadaalllada ee dalka ka jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON