Friday, July 11, 2025

C/weli Gaas: “Muuse Biixi oo Hargeysa ka yimid Nabad ku joogi maayo Tukaraq..” [Dhageyso khudbad kulul]

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulkiisa, isagoo ka hadlay dagaaladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo  Puntland.

C/weli Gaas ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay dhowaan Tukaraq uu ka danbeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaguna mas’uul ka yahay wixii halkaasi ka dhacay, iyadoo intaas ku daray inay xaq u leedahay Puntland inay is difaacdo.

Somaliland ayuu ku eedeeyay inay xoog ku qabsaday dhul ay leedahay Puntland, wuxuuna dadka Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ay dhulkooda uga difaacayaan weerarka Somaliland.

C/weli Gaas ayaa sheegay in Muuse Biixi oo ka yimid Hargeysa aanu nabad ku joogi doonin Tukaraq, isagoo si kulul uga jawaabay eedo ka soo yeeray madaxweynaha Somaliland, wuxuuna ciidamda Puntland ugu hambalyeeyay jawaabtii ay ka bixiyeen duullaankii Somaliland.

DHAGEYSO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON