Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku kala diray golihii degaanka magaalada Gaalkacyo iyo magacaabis duq cusub oo magaaladaasi yeelato.
Wareegtooyin caawa kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu kala diray Golihii degaanka magaalada Gaalkacyo iyadoo uu nabadoon caan ah u magacaabay inuu noqdo duqa magaalada Gaalkacyo.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.
Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Wuxuu Xeeriyey.
1. Waxaa Yaasiin Cabdisamad Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo.
2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.