Golaha Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa soo saaray farriin ku socoda shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Golaha Siyaasasiinta Somaliland (Somali Political Council) uu 11-kii bilood ee la soo dhaafny u halgamayey ama ku hadlayey codka iyo rabitaanka Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Reer Waqooyi ee doonaya inay maamushaan oo u madax bananadaan doorashadooda, hase ahaatee nasiib daro qadiyadda iyo rabitaanka ummadda Reer Waqooyi waxaa la geliyey muran iyo khilaaf siyaasadeysan oo aan dhamaad lahayn oo ay gadaal ka riixayaan Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo dad adeegayaal ah.
Qoraalka iyo farriimaha loo diray Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa u qornaa sidatan:
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dawlad goboleedyada dalka ee maanta shirku uga furmayo Muqdishu, waxaanu ugu baaqaynaa in si niyad wanaag iyo Soomaalinimo ku jirto ay noola galaan xal u helida khilaafka ka taagan maamulka iyo madaxbanaanida doorashada Xildhibaanada ka soojeeda Gobolada waqooyi (Somaliland) oo sidii aanu marar badan qoraal iyo afba ku gudbinay qodobo la kala doorto (options), kuwasoo noqon karay xal kama dambeys ah laakiin nalaga diiday. haddana waxaanu soojeedinaynaa si doorashadu u qabsoonto in la qaado talooyinkan hoos ku qoran:
1. In la dhiso guddoon Reer Waqooyi ah (Steering Committee) doorashada maamusha oo noogu jirta halka maamul goboleedyada oo kale, gaar ahaan tan aqalka sare,
2. In si cadaalad ku jirto loo mideeyo labada dhinacee Gudiga SEIT Somaliland ee la kala jebiyey, loona sameeyo gudoon mideysan.
3. In habraacyada la sameynayo lagu tixgeliyo duruufaha gaarka u ah doorashada xildhibaanada ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo mudnaanta iyo miisaanka ay leeyihiin la siyo odayaasha dhaqanka ee ku jira 135ta, maadaama ay yihiin marjaca keliya ee aanu haysano.
4. In goobta doorashada iyo amnigeedu noqdaan kuwo laysku haleyn karo oo u siman Odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo musharaxiinta, si furana ay u imaan karaan warbaahinta iyo goobjoogyaasha kale.
