Saturday, August 2, 2025

Cabdi Xaashi oo Amray in la joojiyo qabashada Doorashada kuraasta la shaaciyey ee Somaliland

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maray in la joojiyo qabashada Doorashada Kuraasta uu shaaciyey Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xaashi, kadib shirkii jaraa’id ee maanta ayuu ku dlbaday in la joojiyo qabashada Doorashada kuraasta laysku haysto ee la shaaciyey, dibna loogu soo celiyo beelaha iyo Salaadiinta xaqa u leh.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi

Ku: Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka
Ku: Gudiga Hirgelinta Doorashada heer Qaran ee FEIT
Ku: Gudiga Xalinta Khilaafaadka ee heer Qaran
Ku: Gudiga Hirgelinta doorashada heer Somaliland ee SEIT
Og: Daneeyayaasha kala duwan ee doorashada Dalka ka socota

Uj: Joojin kuraasta doorashadooda la shaaciyey kuwaasoo aan ku imaan rabitaanka beelihii xaqa u lahaa Rallisul Wasaaraha.

Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Gudiyada hirgelinta doorashooyinka heerarkooda kala duwan ee warqadani ku socoto waxaanu la socodsiinaynaa in guud ahaan Doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland iyo inta badan kuransta la shaaciyey xalay 20 January 2021 qabashda doorashadooda in aanay ku imaan hab Waafaqsan go’aamadii iyo habracyadii loo dejiyey in loo maro doorashada dalkan.

Inkasta oo ilaa bilowgii doorashada ay jireen khaladaad iyo tabashooyin ah qaabka loo maamulayo doorashada, haddana wixii ka dambeeyey markii uu dhamaaday shirkii Madasha ee 09 January 2022, waxaa bilowday boob cad iyo in la shaaciyo gudiyada xulista ergada doorashada oo aanay wax war ah ka hayn Salaadiinta, Cuqaashii iyo beelihii kursiga ama kuraasta iska lahaa.

Sidaas awgeed, waxaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudiga doorashooyinka ka doonaynaa waxa aanu xaqa u leenahay oo ah:

1. In doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) loo maro hab waafaqsan go’aamadii iyo heshiisyadii Madashada Wadatashiga Qaran.

2. In la joojiyo qabashada doorashada kuraasta laysku haysto ee la shaaciyey, dibna loogu soo celiyo katashigooda beelaha iyo Salaadiinta xaqa u leh.

3. In si cadaalad ku jirto loo maamulo shaacinta, kala horeynta iyo qabashada doorashada kuraasta. loona xaqsooro oo tartan furan loo qabto mushaxiinta

Sentor Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10-aad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON