Tuesday, June 24, 2025

Cabdi Xaashi oo War Cad kasoo saaray Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdio Xaashi C/llaahi ayaa shaaciyey in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya aanu qaadan xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee ay u gudbiyeen.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu caddeeyay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble aanu Guddiyada Doorashooyinka ee uu xalay magacaabay kusoo darin xubnihii ay u gudbiyeen 2-da Novembar, wuxuuna caddeeyay in xubnaha kasoo jeeda Dirta Waqooyi ee ku jira Guddiyadaasi aan lagala tashan, aysan metelin, wax kalsooni ahna aanay ku qabin.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo taageersan Madaxeyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu magacaabay afarta xubnood ee Guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka ugu jira Gobollada Waqooyi.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON