Guddiga Qabanqaabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigey Munaasabaddii caleemo saarka oo lagu waday inay Dhuusamaareeb ka dhacdo 26-ka bishan Maarso 2020, iyadoo aan waqti kale loo qaban.
Qoraal uu faafiyey guddoomiyaha Guddiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu yiri: “Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu kadib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020″
Yuusuf Garaad ayaa intaas ku daray in sababaha dib u dhigista Xafladda ay tahay xaaladda Cudurka Coronavirus, iyadoo dowladda ay joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa. “Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19. Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon” ayuu yiri Yusuf Garaad