Madaxweyihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saaka bartiisa Facebook kusoo qoray in lacah baad lagu weydiistay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu noqday lacag in la arko.
Qoraalka hore Cali C/llaahi Cosoble ayaa u qornaa sidatan: “Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah”
Daqiiqado kadib ayaa qoraalkii laga saaray barta Facebook ee Siyaasiga Cali C/llaahi Cosoble, waxayna warar xogogaal ah sheegaan inuu las oo xiriiray Ra’iisal wasaaraha, isla markaana arrintaasi si hoose loo dhammeeyay, taasoo keentay inuu qoraalkii ka saaro bogga.
In ku dhow laba saacadod kadib ayuu Cali C/llaahi Cosoble qoraal kale ku soo qoray boggiisa, isagoo ku yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka raali gelinayaa in maanta faceboogeyga la jabsaday war been abuur ahna lagu soo qoray. Raiisul wasaaraha iyo xafiiskiisa waan ku xiranahay cilaaqaad wanaagsan ayaana naga dhexeeya. Faceboogeyga waan soo ceshtay ee saa ha la ogaado”

Waxaa shaki la geliyey in muddo kooban lagu jabsado barta facebook ee Siyaasigan, isla markaana kaliya lagu qoro hal qormo oo ku saabsan Xafiiska Ra’isal wasaaraha cusub, iyadoo dad badan oo arrintan ka fal celiyey ay ku tilmaameen inuu arrin lagu daboolayo falka uu ku kacay siyaasigan.