Monday, July 14, 2025

Cali C/llaahi Cosoble & Sanbaloolshe oo tartankii ugu adkaa u gelaya Kursiga Baarlamaan ee Beeshooda [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle  Cali C/llaahi Cosoble ayaa qarka u saaran inuu ku fashilmo kursi xildhibaan ee Barlamaanka Federaalka oo uu ka mid yahay  musharaxiinta u tartameysa.

Kursiga Beesha Cali Madaxweyne ayaa doorashadiisa ka dhaceysaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, waxaana tartan adag uu kasoo food saaray Maxamed C/llaahi Sanbaloolshe oo kursiga hore u banneeyay, laakiin ku guuleystay inuu u xayirnaado.

Tartanka ugu adag ayaa la filayaa inuu dhex maray Sanbaloolshe iyo Cosoble oo hore saaxiibo u ahaa, waxaana ku loolamaya lix musharax oo kala ah:  C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe,  Cali C/llaahi Cosoble,  Dahir Cabdulle Cawaale,  Nuur Iidow Beyle,  Dahabo Xasan Axmed, Xuseen Axmed Geelle.

Sanbaloolshe ayaa taageero ka heysta nabadoonka beesha iyo ergada, waxaana la sheegay inuu kursigaasi u badan tahay inuu mar kale ku soo baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON