Waxaa Magaalada Muqdisho maanta soo gaaray Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe oo markii ugu horeysay intii xilka loo doortay tegay caasimadda.
Waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay Wasiiro, xidhibaanno, siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Filish, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe, ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale.
Socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle ee Muqdisho ayaa ku saabsan kulamo uu la yeelanayo madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka oo looga hadlayo xaalada Hirshabeelle iyo arrimaha Doorashooyinka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta weyn ee loogu sameeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Doorashadiisa laga joogo laba bilood, wax dhibaato ahna aysan ka dhicin, wuxuuna ku dooday inaysan wax dhib ah ka dhicin, wax qeylo ahna ka jirin doorashada, ayna ku guuleystay inay xaliyaan colaad muddo dheer ka jirtay degmada Cadalle.



