Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in Maxamed C/llaahi Farmaajo ku khaldan yahay inuu xilka ku sii hayo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, isla markaa aanu diidi karin xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha.
Ilka-xanaf ayaa cadeeyay in awoodda fulinta dalka uu laayahay Golaha Wasiirada, Ra’iisal wasaaruhuna leeyahay inuu shaqada ka joojiyo Agaasimaha NISA, sida agaasimeyaasha kale, laakiin aanu sharciga ku heun inuu Madaxweynaha diidi karo.
“Waxaan u arkaa khalad in madaxweynaha uu diido xil ka qaadista, awoodda fulinta dalka waxaa leh Golaha Wasiirada oo awood u leh inay xilka ka qaadaan ama u magacaabaan agaasimaha NISA” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare.
Waxaa qalalaase awoodeed iyo mid dastuuri ah ka dhashay tallaabadii uu Maxamed C/llaahi Farmaajo ka diiday shaqo ka joojintii Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, kadib xaalad ka dhalatay kiiska sarkaalad ka tirsneyd Hay’adda NISA oo la sheegay in la fduubtay k ibna la dilay.
