Monday, June 23, 2025

CIA-da Mareykanka oo kashiftay mas’uulkii bixiyey Amarkii lagu dilay Weriye Jamal Kashoqgi

Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaciyey warbixn sir ahayd oo laga qoray dilkii Weriyihii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi oo sanadkii 2018 lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Warbixinta CIA-da ayaa waxaa ku cad in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji, ayna fuliyeen koox aad ugu dhow oo uu ka mid yahay la-taliyihiisa, iyadoo aysan suuragal ahayn in falkaasi uu dhaco iyadoo aanu ka warqabin Dhaxal-sugaha.

Qoraalk kooban ee CIA-da kashiftay ayaa yimid markii go’aan kasoo baxay Koongareeska Mareykanka, wuxuuna sheegya xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka inuusan ka aamusi doonin xadgudubka bani’aadmnimada ee Sacuudiga.

CIA-da Mareykanka ayaa warbixinteeda ku sheegtay inuu bixiyey amar ah in “La soo qabto ama la dilo” weriye Jamal Kashoqgi, taasoo cadaadis kale saareysa dhaxal sugaya xukuma Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha Sirdoonka Mareykanka.

Sacuudiga ayaa beeniyay warbixinta ay shaacisay CIA-da, waxayna ku dooday inay ku dhisan tahay qiyaas iyo sadaalin ee aysan wadan wax caddeyn ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON