Saturday, July 5, 2025

AKHRISO: Magacyada iyo xilalka hogaamiyeyaasha Alshabab ee Golaha Ammaanka xayiraadda saaray

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xayiraad ku soo rogay, kuna daray Liiska Shaqsiyaadka ay saaran tahay cunaqabateynka saddex ka mida hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee xayiraadda lagu soo rogay waxay kala yihiin: Abuukar Cali Adan, Macallin Ayman iyo Mahad Karataay oo qaarkood hore madaxooda loo saaray lacag abaal marin ah.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab, halka Macalin Ayman sida golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay sheegeen uu yahay aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Axmed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karataay ayaa isna golaha ammaanka uu ku sheegay in la aaminsan yahay inuu xubin firfircoon uu ka yahay ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa Mahad Karatay ku sheegtay inuu hoggaamiyo koox ka horjeeda weerarrada Alshabaab ka fulisa Muqdisho, balse arrintaasi looma helin wax caddeyn ah, waxaana Mareykana uu madaxiisa uu u dul dhigay abaal marin lacageed oo gaareysa 3 Milyan oo Dollar.

/raxmaan Axmed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karataay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON