Monday, June 23, 2025

Cidamada dowladda oo Alshabaab ka qabsaday Degaan muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga haleyo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kooxda Alshabaab kala wareegeen degaanka Moqokori ee Gobolkaasi.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ku qaaday xalay degaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku haayeen kooxda Al-Shabaab, waxaana Alshabaab ay isaga baxeen intii aysan gaarin ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidamadda dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay weerareen  Moqokori oo 40 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan. Ciidamadda dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay fuliyeen howlgalka.

Saaka ayaa waxaa degaakaasi ka socda baaritaan ay wadaan ciidamada dowladda, iyadoo halkaasi ay muddo dheer gacanta ku hayeen  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON