Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxii xoogga lahaa ee is-miidaaminta ahaa loola dan lahaa Injineero ajnabi ah oo ku howlan dhismaha Wadadda Afgooye iyo Muqdisho.
Qaraxa oo uu fuliyey ruux is-miidaamiye ahaa ayaa la sheegay inuu gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsaday gaari ay wateen Injineero iyo xubno ka tirsan shirkadda Turkiga ee fulineysa dhismaha Jidka Muqdisho-Afgooye, iyadoo la sheegay inuu burburay gaariga la beegsaday ayna ku dhinteen laba qof oo Turki ah iyo ilaaladii la socotay.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay arday iyo dad shacab ah oo fara badan, waxaana laga cabsi qabaa inay tirada dhimashada gaaro in ka badan 20, sida ay sheegeen dadka goobta tegay. Waxaa weli xog rasmi ah laga helin Gaari la sheegay inay saarnaayeen arday ka tirsan Jaamacad ka mida kuwa Muqdisho oo ku bas beelay qaraxa.
Saxafiyiin goobta ku sugan ayaa soo sheegaya inay arkeen ilaa 15 meyd ah oo qaarkood la garan waayey, halka tobabaab kale ay ku dhaawacmeen, qaraxan oo ahaa mid xoog leh oo loogu talogalay inuu dhaliyo qasaare xoog leh.
Hay’adaha Amniga ayaan weli wax War ah kasoo saarin qaraxan, inkastoo afhayeenka wasaaradda Warfaafinta uu sheegay in laga cabsi qabo in dad fara badan ay ku le’deen qaraxa. Duqa Muqdisho ayaa isna sheegay inay 90-meeyo qof ku dhaawacmeen qaraxa, laakiin dhimashada ay badan tahay oo ay dib kasoo sheegi doonaan.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hore u sheegay in Alshabaab isku dayeen inay hakiyaan dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye ayna 11 weerarro kusoo qaadeen. Waxaa xusid mudan in Alshabaab aysan sheegan qaraxyada lagu qaaday dhismaha Jidka Muqdisho iyo Afgooye.