Ciidammada milateriga ee 14-ka Oktoobaroo fadhigoodu yahay magaalada Marko ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay inay xalay dileen horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab kadib weerarkii Al-shabaab ku qaadeenmagaalada Marko.
Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada ee Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar fashilmay ay kusoo qaadeen magaalada Marka, iyadoo dagaalka looga dilay laba qof oo uu ku jiro horjooge sare.
Horjogaha la dilay ayuu Taliyaha magaciisa uu ku sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr. Wuxuuna intaasi ku daray taliyaha in Horjoogaha la dilay uu ku xigeen u ahaa Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Magaalada Marka.