Monday, June 23, 2025

Ciidamada AMISOM & kuwa Dowladda oo la wareegay xarunta Doorashada Galmudug & magaalada Dh/mareeb oo…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen xarunta ay Doorashadu ka dhaceyso ee Shiirkole.

Ciidamadan ayaa iska kaashanaya sugidda amniga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maalinta Berri ah ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale ciidamo badan la dhigay gudaha magaalada, iyadoo si weyn loo adkeeyay xaaladda amniga ee caasimadda Galmudug.

Guddiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug ayaa dhinaca kale faahfaahiyey hab raaca doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana musharax kasta laga rabaa 20 xildhibaan oo soo jeedisa, iyadoo xildhibaannada uu mid waliba soo jeedin karo saddex musharax.

Ad

9 musharax oo u sharxan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa ku tartamaya doorashada madaxtinimada ee Galmudug, waxaana tartanka isaga haray 4 musharax oo mucaarad ahaa, kuwaasoo xaqiiqsaday inaysan fursad guul uga muuqan halkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON