Sunday, July 13, 2025

Ciidamada AMISOM oo diiday inay Musharixiinta ilaaladooda la galaan Garoonka iyo xaalad culus oo lagu sigtay..

Ciidamada AMISOM ayaa dhexda u galay xaalad halis ah oo lagu sigtay inuu dagaal ka dhaco Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo lagas oo dejinayey Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada AMISOM oo amar ka helay Madaxda dowladda Federaalka ay u diideen Musharixiinta ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore iyo mucaaradka inay ilaaladooda la galaan garoonka, arrintaas oo muran ka dhashay in muddo ahna la isku hor fadhiyey.

Musharixiinta ay ka mid yihin Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in haddii aysan ilaaladooda la galeynin gudaha aysan jirin cid kale oo galeysa, iyo janaaso ka dhaceysa garoonka, taasoo xaaadda kasii dartay, arrintiina cakirtay.

Ciidamada AMISOM ayaa Xirtay dhammaan irdaha laga soo galo Garoonka iyo Xalane, waxayna la soo baxeen Hub waaweyn, waxayna gudaha garoonka u diideen dadkii ka qeyb gali lahaa Salaadda Janaaso ee Marxum Cali Mahdi oo ka dhaceysa Garoonka gudihiisa,. Sidoo kale waxaa Ciidamo kale lagu xiray dhamaan wadooyinka Magaalada ee Dadweynuhu u Mari lahaa, Halka lagu aasayo Marxuumka.

Is-mari waaga arrintan ka dhashay oo muddo socday kadib ayey saraakisha Ciidamada AMISOM u ogolaadeen Musharixiinta inay ilaaladooda Gudaha garoonka la galaan. Waxaana sidaas ku soo dhammaaday xaalad adag oo laga fursan karay iyo is mari waa halis geliyay amniga janaasadda marxuum Cali Mahdi.

Madaxda ka qeyb gashay janaasada waxaa ka mida Madaxweynnaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goobta gaaray waxyar ka hor xilliga salaada Janaasadda, madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud; guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi.

May be an image of one or more people, people standing, military uniform and outdoors

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON