Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la toogtay nin waday Gaari looga shakiyay inuu qarax sida oo ku socday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.Ciidamada NISA ee ilaalada hore ka ah Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaatoogasho ku dilay Nin darawal ah oo waday Gaari Caasi, kaasoo diiday markii lagu amray inuu istaago, iyadoo toogasho lagu dilay darawalkaasi.
Falkan ayaa ka dhacay saaka iridka Madiina Gate ee laga galo xarunta Xalane ee ay degan yihiin AMISOM, UN-ka iyo safaaaradaha shisheete.
Wararka ayaa sheegaya nin gaariga aan loo dhowaan iyo ninka lagu dhex dilay ee darawalka ka ahaa, cabsi laga qabo inuu qarxo, mana jiro cida hubisay inuu qarax sido iyo inkale, waxaana xiran goobtaasi oo dhan oo xaalad cabsi ay ka jirto.
Goobjooge.com