Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Amniga Caasimadda oo Caawa Fal dil ah ka geystay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caawa magaalada lagu dilay darawal Mooto Bajaaj, markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dilkan ayaa ka dhacay Isgoyska IVECO ee jidka Warshadaha, kadib markii askari ka tirsan ciidamada amniga caasimadda ee ku sugnaa Isgoyskaasi uu Darawalka Mootada ku amray inuu dib u laabto, kadibna uu rasaas u daba dhigay, iyadoo uu goobta ku geeriyooday darawalkii, goobtana uu ka baxsaday askariga.

Waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga iyo Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, iyadoo ay dad badan isugu xoomeen goobtaasi oo ka careysan falka loo geystay darawalka.

Ciidamada amniga ayaa si joogto ah toogta wadayasha Mooto bajaajta oo dhibaato weyn ku qaba wadooyinka la xiro ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON