Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dabaaldegayaa sanadguuradda 76-aad ee asaaska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka dhici doonta Garoonka Eng. Yariisow ex. Banadir, iyadoo ay ka qeyb gelayan madaxda dowladda Soomaaliya.
Munaasabaddan oo ku beegan 20-ka Disembar ayaa hal maalin dib u dhacday iyadoo ku soo beegantay Jimce, waxayna ciidamada Amniga xireen inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga ah, iyadoo lagu wado inuu munaasabadda ka qeyb galo madaxweynaha Soomaaliya, mas’uuliyiin Golayaasha dowladda federaalka, saraakiisha ciidamada.
Sanadihii ugu danbeeyay ayaa si weyn loo kordhiyey tirada iyo tayada ciidamada Booliska oo la wareegay amniga caasimadda, iyadoo laga dareemay horumar dhinaca amniga ah, inkastoo ay weli dhacaan weerarradii Alshabaab.