Nin dabley ahaa oo dhaawacay askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kadib fal ka dhacay degmad Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ninka oo bistoolad ku hubeysanaa ayaa toogasho ku dhaawacamy askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa suuq labaad ee ugu wey magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad, waxaana markaas kadib howlgal ku soo qabtay ciidamada amniga oo goobta ka ag dhowaa.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ninkaasi oo watay in lagu xiray saldhigga Booliska, iyadoo baaritaan lagu hayo, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab oo uu hore falal khaarijin ah uga fuliyey suuqaasi.
Waa falkii labaad ee maanta Muqdisho ka dhaca, iyadoo sidoo kale Taalladda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere Duhurnimadii lagu dilay nin dabley ah oo bistoolad ku hubeysaa.