Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Amniga Muqdisho oo Howlgal ku soo qabtay Dabley Bistoolado ku hubeysan & Qof ku dhintay

Wararka laga helayo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Amniga Caasimadda xaafadda Ansalooti ku qabteen laba nin oo ku hubeysnaa bistoolado oo looga shakiyey inay falal amni darro ku dhex jireen.

Ciidamada ayaa weeraray Gurri ay ku jireen labadan nin oo laga war helay iyadoo la sheegay in lagu daba jiray oo xogtooda la hayey, waxaana howlgalka lagu soo qabtay dableyda lagu dhaawacay mid ka mida dableyda, iyadoo kan kale la qabtay isagoo bed qaba.

Labadan nin ayaa isku dayey inay ka baxsadaan ciidamada, taasoo keentay in rasaas la is weydaasado, waxaana rasaasta ku dhintay qof shacab ah oo goobta ka ag dhowaa iyo dhaawac soo gaaray mid ka mida dableyda, iyadoo raggan lagu bilaabay baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada amniga.

Shalay ayay ahyad markii koox hubeysan degmada Waaberi ku toogteen Cumar Dalxa oo ahaa Khasnjida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON