Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada amniga magaalada ay toogasho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka howlgala ururrada Bulshada magaaalda Baydhaba.
Dilkan ayaa sheegay inay geysteen ciidamada Booliska K/Galbeed, kadib markii Gaari nooca raaxada ah oo ay kaxeyneysay haweeney oo uu la socday wiilka la dilay ay ciidamada joojiyeen, kana shakiyeen, balse ay shoog qaaday, kadibna gaariga xakameyn weyday oo ay ku dhufatay Gaari uu boolisku lahaa, iyadoo ay ciidamada rasaas ku fureen, waxaana rasaasta ku geeriyooday wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Deer.
Haweeneydii Gaariga waday Luul Isaaq Aadan ayaa la xiray iyadoo wararku sheegayaan inay shoogsaneyd oo xaaladeeda aysan caadi ahayn, waxaana falkan uu dhacay iyadoo magaalada Baydhaba laga joojiyey isu socodka Gaadiidka, hawadana laga saaray Isgaarsiinta magaalada, taasoo ay ugu wacan tahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhig u joogay Garoonka Dr. Ayuub ee magaalada Baydhaba.
Amniga magaalada Baydhaba ayaa si weyn loo xoojiyey inta uu ku sugan yahay Raiisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxaana magaalada ku sugan ciidamo fara badan.