Monday, July 14, 2025

Ciidamada Amniga oo toogtay Dabley Alshabaab ah oo Muqdisho ku dilay Nin Ganacsade ahaa..

Ciidamada Amniga Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaa toogasho ku dilay laba dabley ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab, kuwaasoo dil u geystay nin ganacsade ahaa.

Dilka labada dabley ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Dharkeynley, iyagoo markii hore dilay nin ganacsade ahaa oo magaciisa lagu sheegay Aboorey, markii ay isku dayeen inay baxsadaan ayaa waxaa toogtay ciidamada Amniga labada degmo oo is kaashanaya, iyadoo meydadkooda lasoo bandhigay.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo isaga iyo ciidamo uu watay ay gaareen goobta dilku ka dhacay ayaa bogaadiyey ciidamadii dilay dhagar-qabayaashaasi, isagoo sheegay inay iskaashi ka heleen dadka shacabka ah.

Waa falkii ugu horeeyay ee Alshabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho Bisha Ramadaan, iyadoo labadii dabley ee dilka fulisay iyagiina la dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON