Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Amniga oo xaafad ka tirsan Muqdisho ku dilay Nin hubeysan iyo faahfaahin

Ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho ayaa toogtay Nin hubeysan oo la shegay inuu Burcad ahaa, kaasoo iska hor imaad la galay ciidamada.

Ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay inay toogasho ku dileen mid ka mida burcadda hubeysan ee dadka dhaca, xili uu la dagaalamay Ciidanka Ammiga ee rabay inay qabtaan.

Warka Booliska ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska ay ninkan Burcadka ah ku qabteen xaafada Carafaat, kadibna uu ka dhaga adeygay amarka Ciidanka Ammiga oo isku dayay inuu baxsado, sidaasina lagu toogtay.

Ninkan ayaa watay Mootada nooca Bajaajta oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada, soona bandhigay, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

“Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Carafaat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hada hayaan ciidanka Amaanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON