Ciidamada Axmed Madoobe oo kala eryay dadweyne soo dhoweyn lahaa musharax Madaxweyne

Ciidamada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa kala eryay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntaa Musharax sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha maamulkaasi oo tegay halkaasi.

Dadweyne ku sugnaa Garoonka iyo qaar ku sii socday ayey ciidamadu kala eryeen, iyadoo qarkoodna la xiray; waaana garoonka magaalada Kismaayo laga saaray Saxafiyiin iyo dad u tegay soo dhoweynta C/fataax Maxamed Cali, waxaana Ciidamo badan la dhigay Wadadda tagta Garoonka Magaalada Kismaayo.

Musharax C/fataax Maxamed Cali ayaa ka mida xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna dhowaan sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland, waana musharixii labaad ee ciidamada Jubbaland ka hor istagaan in la soo dhoweeyo.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dhowaan loo diiday dadkii Kismaayo ku soo dhoweyn lahaa inay tagaan Garoonka diyaaradaha, waxaana la celiyay dadweyne isu soo baxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON