Friday, July 4, 2025

Ciidamada Booliska iyo Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dagaal ku dhex maray koox maleeshiyo ah iyo ciidamada booliska xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka Ciidamada Booliska iyo maleeshiyada ayaa yimid kadib markii Booliska oo ku daba jiray koox burcad ah ay isku dhaceen, waxaana dagaal dhex maray labada dhinac ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in maleeshiyada hubeysan iyo ciidanka howlgalka waday uu dagaal dhexmaray, kadibna ay Ciidamada booliska toogasho ku dileen mid ka mida maleeshiyada, halka saddex kale ay ka dhaawaceen.

Ciidamada booliska ayaa howlgallo balaaran ka wada xaafadaha iyo wadooyinka Muqdisho oo ay muddooyinkii danbe ku soo bateen kooxaha burcadda ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON