Ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal culus ku qaaday duleedka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii danbe ay weerarro dad badan lagu dilay ka dhaceen.
Ciidamada ayaa habeennimo galay degaanadan KM13 iyo Garisbaalay, waxaana baaritaan lagu sameeyay qeybo badan oo ka mida degaanadaasi, waxayna dadka degaanka sheegeen in la qabtay dhalinyaro dhowr ah oo looga shakiyey falal amni darro.
Ciidamada Booliska oo watay gaadiid fara badan oo kuwa ciidamda ah ayaa guri guri u baaray degaanadaasi, waxayna xireen isu socodka xaafadahaasi, iyagoo xilli danbe howlgalkaasi soo dhammaaday.
War war ah kama soo bixin Saraakiisha Hay’adah Amniga ee dowladda Federaalka oo ku sabsan howlgalkii xalay lagu qaaday degaanada duleedka Muqdisho.