Howlgal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inu lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab, iyadoo ay ka qeyb qaateen ciidamada Kumaandoska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah.
Weerarkan ayaa lagu qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose, oo magaalada Kismaayo u jira 40 KM, waxaana howlgalka lagu dilay 11 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegay in 7 ka mida maleeshiyada Alshabaab ay ku dhinteen Gantaal ay soo riday diyaarad dagaal, waxaan meydadka iyo hubka laga furtay soo bandhigay saraakiisha milateriga, iyadoo degaanka weerarku ka dhacay ay gaareen ciidamada maamulka Jubba.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA