Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigga ugu weyn ee Buq Aqable, Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Danab xoogga ayaa la sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 11 ka tirsan Alshabaab, sida uu Warbaahinta Dowladda u sheegay Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS G/le Xasan Maxamed Cismaan.
Degaanka Buq Aqable ayaa ahaa magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan Al-shabaab muddo 15 sano ah, iyadoo Alshabaab uu wajahayo dagaallo culus oo ka socda Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Waa howlgalkii labad oo ciidamada Danabka fuliyeen Buq Aqable oo ahore loo shaaciyey in lagu dilay 18 ka mida Alshabaab.
