Friday, July 11, 2025

Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Madaxii Sirdoonka Alshabaab ee Sh/Hoose iyo Sarkaalkii Qaraxyada…

War kasoo baxay taliska ciidamada kumaandooska ayaa lagu shaaciyey in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee ku dileen horjoogeyaal muhiim u ahaa maleeshiyaadka Alshabaab ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Tuulada Sahan-yareey ee duleedka Degaanka Leego, degmadda Wanla-weyn, waxaana lagu dilay horjooge Cabdicasiis Awoowe oo Alshabaab u qaabilsana Sirdoonka Gobolka Shabeelada Hoose iyo horjoogihii Qaraxyada Alshabaab ee Sh/Hoose oo magaciisa la sheegay Abuu-qadaab, iyadoo sidoo kale lagu dilay 6 Maleeshiyo oo ka tirsan Alsahbaab.

Sarkaaliisha Ciidamada Danab ayaa laga so xigtay inay howlgalka lagu burburiyay goob maxkamad u ahayd Ashabaab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgalada lagu qaadayo degaanada Gobolka Sh/hoose ee Alshabaab maamusho, iyadoo warbaahinta dowladda ay shaacisay in maleeshiyo iyo saraakiil badan looga dilay Alshabaab, balse aanay jirin cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON