Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Dowladda ee Muqdisho oo Toogasho ku dilay Nin ku hubeysnaa Qori iyo Bambooyin

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay fal ay Ciidamada amniga ku toogteen nin dabley oo la sheegay in looga shakiyey inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab.

Dilka lagu toogay ninan hubeysan ayaa ka dhacay xaafadda Cali-turcaaye, suuqa Xoolaha, dhinaca degmada Yaaqshiid, waxaana ninkan la sheegay inuu ku hubeysnaa Qori AK-47 ah iyo Bambooyin.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ninkan oo aad u hubeysanaa ay ciidamadu toogteen xilli uu socday howlgal ay ku dhex marayeen gudaha xaafadda.

Arrintan ayaa imaanaysa, iyadoo dableyda Alshabaab ay muddooyinkii danbe dad badan oo saraakiil ka mid yihiin ku khaarijiyey magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON