Sunday, June 22, 2025

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore Alshabaab u qabsadeen.

Howlgalkan oo la sheegay in muddo toddobaad ah la diyaarinayay ayaa isugu jiray duqeyn cirka ah iyo weerarro toos ah, waxaana Alshabaab laga saaray degaankaasi, iyagoo lagu qasbay inay ka baxaan dhufeysyadii ay ka qoteen halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in howlgalkii lagu jabiyay Alshabaab ee lagu xoreeyay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu guuleystay.

Ad

“Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaannadaasi, waxayna hadda wadaan howlgal amni xaqiijin ah oo lagu sugayo nabadgelyada shacabka deegaanka” ayuu yiri taliyaha.

Alshabaab ayaa hore u burburiyay Buundadii Bariire, waxaana hadda ciidamada dowladda dadaal ugu jiraan inay dib u qabsadaan Buundooyinka Awdhegle and Bariire.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON