Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Dowladda iyo Gamudug oo qabsaday magaalada Camaara iyo Alshabaab oo..

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa difaaca degaanka ayaa Alshabaab kala wareegay magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Alshabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen Camaara oo ah magaalo istiraatiiji ah, kadib markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada is garabsanaya, waxaana galaba gacanta ku dhigay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cadaala oo gaaray Camaara ayaa xaqiijiyay in magaalada ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowlada, kadib markii ay saddex jiho ka galeen.

Waa magaaladii ugu danbeysay ee Alshabaab laga qabsado Gobolka Mudug, kadib Bacaadwen, Qaycad iyo Shabeelow, iyadoo aysan Alshabaab ku dagaalamin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON