Monday, July 21, 2025

Ciidamada dowladda & kuwo Mareykan ah oo isku diyaarinaya degmooyinka Afgooye & Balcad

Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa isku diyaarinaya dagaal lagu qaado kooxda Alshabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka Gaashaaman iyo diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ayaa laba jiho ee Afgooye iyo Balcad la filaaa inay saacadaha soo socda weerarkii ugu weynaa ku qaadaan kooxda Alshabaab oo shalay dib u qabsatay degaanka Basra ee duleedka Balcad.

Sawiradii ugu horeeyay ciidamo Mareykan ah oo qarsoodi

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in diyaargarowga ciidamada xoogga ay ku wehliyeen kuwo ay saaxiibo yihiin oo dhinaca cirka ka taageeraya, ayna Alshabaab ka sifeyn doonaan degaanada labada degmo iyo Shabeellooyinka.

Dagaallo joogto ah ayaa labada dhinac ku dhex marayayt toddobaadkii ugu danbeeyay degmooyinka Balcad iyo Afgooye iyo degaanada u dhaxeeya oo dhowr jeer ay isku fara saareen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON