Monday, July 14, 2025

Ciidamada Dowladda oo Alshabab kala wareegay degaan ka tirsan Sh/hoose oo hore dhiig badan ku daatay.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Bariire opo hore ciidamada dowladda qasaare xoog leh kala kulmeen, dhiig badanna ku daatay.

Ciidamada dowladda ayaa Saakay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bariire, kadib iska hot imaad kooban oo ay la galeen maleeshiyada Alsahbaab, waxaana halkaasi maalin ka hor isaga baxay inta badan maleeshiyadii Alshabaab.

Alshabaab oo soo bandhigtay Muuqaalka Weerarkii Bariire ee Ogost 2017 [Daawo Hubkii ugu badnaa & Qasaaraha]

Alahbaab ayey caado u tahay inaysan dagaal toos la gelin markii degaan ay heystaan la weerarro, iyagoo aan difaac gelin, balse isaga baxa, kadibna weerarro waaweyn oo kedis ah ku qaada xerooyinka ciidamada, kaasoo qasaare weyn ka dhasho, habkaas dagaal oo muddo ku dhow 10 sano ay doorteen.

Taliska Mareykanka oo War lama filaan ah kasoo saaray Baaritaankii Weerarkii Bariire [Akhriso Qoraalka]

Alshabaab ayaa degaanka Bariire kula wareegtay dagaal qasaare badan dhaliyey Ogost 2017, iyadoo ciidamado aad u fara badan lagu laayey, laguna qabsaday hub fara badan, markaas ka horna waxa degaanka dhacday duqeyntii muranka badan dhalisay ee Bariire oo shacab ah lagu dilay, iyadoo Alshabaab ay sheegatay inay dadkaas ugu aarguday weerarkeedii cuslaa.

AKHRISO WARARKA BARIIRE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON