Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada dowladda oo joojiyey xaflad ay Ahlu suna ku qabsan lahayd magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa joojiyay xaflad lagu taageeri lahaa xildhibaannada ay soo xuleen Ahlu suna ee ka mida Maamulka Galmudug.

Xafladda ayaa la sheegay inay wadeen xubnaha Ahlu suna ayaa markii hore la ogolaaday inay dhacdo, laakiin maanta barqadii ayaa lagu wargeliyey inaan la dhigi karin xafladaasi, kadib markii ay goobta lagu qaban lahaa tageen taliyaha Booliska Dhuusamareeb iyo Gobolka Galgaduud.

Sida uu sheegay Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mida Xildhibaannada ay soo magacawday Ahlusunna ee Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka joojisey munaasabadaas, ayna tahay caburin ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON