Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dagaal culus kadib la wareegay degaanada koonfurta ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Weerar culus ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee Galmudug ka howlgala, waxayna Alshabaab kala wareegeen degaanada Sinadhaqo, Labi-dulle iyo Dhabana-dhulkuheys oo ay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyada Alshabaab.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha dagaalka saaka iyadoo la sheegay in Alshabaab looga dilay in ku dhow 10 maleeshiyo, isla markaana lagala wareegay fariisimahoodii, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi.
Dagaalka ayuu sheegay in loo qaaday sidii degaano horleh looga xoreyn lahaa inta aan la gelin xilli roobaadka sanadkan. Dagaalka waxaa ka qeyb qaatay guutadda 15-aad ee qeybta 21-aad iyo cutub ka mida ciidamada Gorgor.
