Ciidamada Amniga Dowladda Federaalka ayaa goor dhoweyd toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj, iyadoo falkaasi uu ka dhashay bannaanbax careysan.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo ka mida Isgoysyada ugu mashquulka badan caasimadda, iyadoo la sheegay in askar Gaadiid watay ay rasaas ku fureen Darawalkan.
Darawal kale ayay garaaceen ciidamada, waxaana falkaasi ka dhashay bannaabax ay Jidka Zoobe ku xirteen wadaddaasi, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay dilka sii kordhaya ee ciidamada dowladda kula kacayaan Darawallada Bajaajleyda ah.
