Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay horjooge Alshabaab ah oo lagu qabtay howlgalka SH/Dhexe

Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgal ay ka fuliyey Gobolka Sh/Dhexe, gaar agaan deegaanada Warciise, Aqab duco iyo Qurac Madoobe.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Sarkaal horjooge ahaa oo tirsan Al-shabaab, sida ay shaaciyeen afhayeenadda xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Horjoogaha Alshabaab oo ana magaciisa la shaacin ayaa lagu qabtay howlgalka ay Ciidamada is kaashanaya ka fuliyeen deegaanada Warciise.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda sheegeen in ilaa 100 dagaalame oo Alshabaab ah lagu dilay inta uu bilowday howlgalka.

Dhinaca kale waxaa dagaalkaasi lagu dilay taliyihii ururka Lixaad ee ciidamada Gorgor Gaashaanle Maxmed Cabdiwahab, iyo ciidamo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON