Ciidamada dowladda oo wiil dhalinyaro ah ku dilay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo xaafadda suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday toogasho loo geystay ruux watay gaari nuuca raaxada ah.

Ciidan watay gaari nuuca dagaalka ah oo dowladda ka tirsan inay gadaal ka toogteen wiil dhalinyaro ahaa oo watay gaari yar, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow.

Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay oo la sheegay inuu ka tirsanaa waaxda dhul bixinta gobolka Banaadir.

Waa dilkii saddexaad ee manta  ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii saakay la dilay askari boolis ahaa iyo gabar dhiganeysay Jaamacadda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON